Farriimo tacsiyadeed oo si is dabajoog ah u soo gaaraya SilGor.com


inaalilaahi[1].jpg

DrAbdulkadirB.jpg

Waxaa si isdaba joog ah noo soo gaaraya dhambaallo tacsiyadeed oo ku aadda geerida naxdinta leh ee ku timid marxuum Dr. Cabdulqaadir Maxamed Xasan oo aroornimadii shalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee waddanka Kenya, dhambaalladan ayaa waxa dhammaantood ka muuqda murugo, ayagoona marxuumka geeriyooday Allaah uga baryaaya inuu ka waraabiyo jannadii fardowsa, eheladii iyo asxaabtii uu ka tagayna sabar iyo iimaan ka siiyo.

Dhambaallada nasoo gaaray ayaa waxa ay ka kala yimaadeen dadka kala ah :

  1 - Golaha Dhaqanka beesha Silcis Gorgaate (suldaanka, ugaaska iyo nabaddoonnada)
  2 - Guddiga Siyaasadda beesha Silcis Gorgaate (aqoonyahanka, xildhibaannada iyo saraakiisha)
  3 - Culimaa'udiinka iyo indheergaradka beesha
  4 - Guddiga Haweenka beesha
  5 - Guddiga Dhallinyarada Beesha
  6 - Jaaliyadaha beesha ee Afrika, Asia, Europe, North America iyo Australia
  7 - Ururka Israaca SilGor
  8 - Qoysas fara badan oo aan magacyadooda halkan lagu soo wada koobi karin
  9 - Dhaqaatiir iyo dadweyne kale oo fara badan oo ay marxuumka saaxibo dhow ahaayeen.

Dadka iyo qoysaska sida gaarka ah ugu soo tacsiiyeeyey qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuum Dr. Cabdulqaadir Maxamed Xasan waxaan u sheegeynaa inaan farriimahooda si toos ah ugu gudbinay eheladii Dr. Cabdulqaadir Maxamed Xasan Nuur.

wa billaahi towfiiq
Xoghaynta SilGor


Add New Comment