Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ka hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab


Taliska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa ka war-bixiyay howlgallada ka dhanka ah dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ee maalmihii la soo dhaafay ka soconayey degmooyin ka tirsan gobollada Bakool iyo Gedo.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye guuto. Daahir Aadan Cilmi  (Indho-qarshe) oo maanta magaalada Muqdisho kula hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay gacanta ku dhigeen magaalooyinka Xuddur, Waajid, Rabdhuurre iyo Buurdhuubo ee gobollada Bakool iyo Gedo.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in dagaalladaasi aysan dhalin khasaare soo gaaray dadweynaha, ayna xilligan nabdoon yihiin magaalooyinkaasi, wuxuuna tilmaamay in howlgallada ka dhanka ah maleeshiyadu ay soconayaan inta laga sifaynayo dalka.

Wuxuu kaloo sheegay in tallaabadasi ay tahay guul u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed ee ay kooxdu cadaadinaysay muddada dheer, isagoona ka codsaday inay la shaqeeyaan ciidamada isbahaysanaya ee ku howllan soo afjaridda kooxda Al-Shabaab.

Gen. Daahir ayaa ciidamada ugu hambalyeeyay guulaha ay gaareen, wuxuuna ku boorriyay inay labo jibbaaraan dadaalka ay ugu jiraan badbaadinta shacbiga Soomaaliyeed.


Add New Comment