Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hogaaminayo oo u amba baxay dalka Japan


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay gegida dayuuradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaala Muqdisho, ayagoo ku sii jeeda magaalada Tokyo ee xarunta dalka Japan.

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka dambeeyey casumaad uu ka helay ka helay ra'iisul-wasaaraha dalkaasi Japan Mr. Shinzo Abe.

Afhayeenka Madaxweynaha Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in dowladda Japan ay tahay dowladaha diyaarka u ah in ay ka qeyb qaadato dib u dhiska dalka

“Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiirada Arrimaha dibedda iyo Howlaha guud, sidoo kale waa ku jira mas’uuliyiin kale, waxaana ay casuumaad ka heleen Ra’iisul wasaaraha Dalka Japan Shinzo Abe, shirkaan waxaan filaynaa in dib u dhiskii ay horey u balan qaaday Japan in ay ka dhabeyso, maadaama ay kalhore qabteen shir arrimaha Soomaaliya ku saabsan” ayuu yiri Afhayeenka Madaxweynaha

Wafdiga Madaxweynaha ayaa booqashada ay ku tegayaan dalka Japan waxa ay qaadan doontaa muddo saddex cisho ah.


Add New Comment