Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka oo furay shir looga hadlayo horumarinta isgaarsiinta dalka


Ra'iisul-wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa maanta furay shir wada tashi oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta, kaasi oo ay ka qaybgaleen mas'uuliyiinta shirkadaha isgaarsiinta dalka iyo xubno kale oo wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta ka tirsan.

Shirkan ayaa u jeedkiisu yahay sidii ay wada shaqeyn buuxo u dhex mari lahayd, dowladda iyo shirkadaha isgaarsiinta dalka ka howlgalla, iyadoo halkaasi la isku dhaafsaday aaraah kala duwan.

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed oo furitaankii shirka ka hadlay ayaa sheegay in muhiimad gaar ah ay u leedahay bulshada shirarka ay isugu imaanayan mas’uuliyinta Wasaaradda Boostada iyo shirkadaha Isgaarsiinta, isagoo intaa ku daray in shirkadaha isgaarsiinta ay kaalin lixaad leh ka qaateen horumarka dalka

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Xalane oo hadal kooban ka jeediyay kulanka ayaa ku booriyay in shirkahada isgaarsiinta ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka, islamarkaana ay dowladdu ku gacan siiyaan horumarinta dalka.

Gebo gabadii shirka ayaa waxyaabihii ka soo baxay waxaa saxaafada uga warbixiyay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim Xaaji Aadan, kaasi oo tilmaamay in shirarka ay yeelanayaan Wasaaradda iyo shirkadaha Isgaarsiintu ay sii socon doonaan si looga arrinsado horumarinta adeegyada isgaarsinta dalka.


Add New Comment