Madaxweyne Xasan “Howlgalada socda waxey fursad u siinayaan shacabka inay aayahooda ka tashadaan.”


Madaxweynha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Gobolada Dalka. Waxaana goob joog ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdullahi Godax Barre iyo mas’uuiliyiin ka socotay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.

Guddoomiyeyaasha Gobollada waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Galgadud Hussein Cali Weheliye (Cirfo), Guddoomiyaha Bay Cabdi Adam Hoosow,Guddoomiyaha Jowhar Cadi Jiinow Calasow, Guddoomiyaha Banadir Xasan Maxamed Xuseen Mungab, Guddoomiyaha Shabeelaha Hoose Cabdulqadir Maxamed Nur (Siidii)

Madaxweynaha oo la hadlayey Guddoomiyeyaasha ayaa yiri “Waxaa socda Holwgal kooxaha nabad-diidka ah looga saarayo goobaha ay joogaan, si dadka deegaanka loo siiyo fursad loogu adeego oo ay kaalin mug leh ka qaataan dib u dhiska dalka, isla markaana maamulada gobolada looga baahanyahay inay la yimaadaan maamul wanaag, si dalka looga hirgeliyo doorashooyin xor ah.”

“Qorsheyaasha dowladda ayaa ah in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka, la dhaqangeliyo nidaamka Federaalka iyo in dalka laga hirgaliyo nidaamka dimoqraadiyada oo dadka deegaanka ay aayahooda ka tashadaan. Si taas loo gaaro waa in maamulada Gobolada iyo Degmooyinka ay noqdaan kuwo u adeega bulshada, la yimaada maamul wanaag. Sidoo kale goobaha laga saaro kooxaha nabad-diidka ah waa in si deg deg ah loogu gurmadaa shacabka oo loo helaa gar-gaar baini aadanimo iyo in loo helo adeegyada aasaasiga ah, si dadku u dareemaan faa’iidada dowladnimo iyohorumar.”

guddoomiyeyaasha.jpg


Add New Comment