Ra'iisul-wasaare Cabdiweli Oo Xalay La Kulmay Saraakiisha Hey’adaha Ammaanka


Ra'iisul-wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay magaalada Muqdisho kulan kula qaatay saraakiisha hay’adaha ammaanka dalka iyo kuwa AMISOM,  iyadoo kulankaasi looga hadlayey xaaladda ammaanka dalka.

Ra'iisul-wasaare  Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa xalay magaaladda Muqdisho kula kulmay wasiirradda Gaashaandhiga iyo amniga Qaranka, saraakiisha ciidanka miletariga iyo kuwa booliska Soomaaliyeed, nabad sugida qaranka, kuwo AMISOM iyo la taliyaal dhinaca amniga ah, waxaana u jeedada  kulanka aheyd  is xog wareysi ku saabsan xaaladda guud ee dalka gaar ahaan howlgalladii ugu dambeeyey ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ka sameeyeen deegaanno hor leh oo ka tirsan dalka.

Markii uu kulanka soo gaba gaboobay ayaa waxaa saxaafadda la hadlay ra'iisul-wasaare Cabdiweli, wuxuuna marka hore uu hambalyo u diray ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo dhawaan deegaanno ka kala tirsan gobollada Bakool iyo Geddo kala wareegay maleeshiyaadka Al shabaab, isagoo shacabka ugu bishaareeyay in howlgalladani sii sicon doonaan isla markaana dhawaan dalka oo dhan laga xoreeyn doono maleeshiyaadka Shabaab.

Sidoo kale ra'iisul-wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa deggan deegaannada argagaxisada laga xureeyay in ay la shaqeeyaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM maadaama shacabka ay ka baxeen cadaadiskii mudada ay ku hayeen kooxda Shabaab.

Dhanka kale ra'iisul-wasaaraha ayaa ka hadlay qorshaha xukuumadda uga degsan deegaannada Al shabaab laga xureeyo,  isagoo dhinaca kalana baaq u diray dhalinyarada weli ku harsan fikirka qaldan ee kooxda al shabaab.


Add New Comment