Dagaal ay bar bar socdeen Madaafiic culus oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah oo galabta ka dhacay Waqooyiga M/Muqdisho.



kudhawaad 30 ruux ayaa ku dhintay 80 kalana waa ay ku dhaawacmeen Dagaal ay bar bar socdeen  Madaafiic culus oo ka dhacay Xaafado kuyaala waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Dagaaladaani iyo Madaafiicdaani oo ahaa kuwa in mudo ah socday ayaa galabta waxaa xoogoodu ay dhaceen kadib salaadii casar waxaana ay geysteen qasaarooyin soo gaaray dad rayid ah kuwaasi oo madaafiic ay guryahooda ugu tagtay.

Daqiiqado ka hor inta uusan xoogeysan dagaalkii galabta ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo  kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ku dhexmaray degmada C/casiis ayaa duqeyn culus waxaa lagu garaacay Xaafado ka mid ah degmooyinka C/Casiis, Kaaraan iyo Yaaqshiid kuwaasi oo waxyeelo badan soo gaarsiiyay dad rayid ah.

Madaafiic is xig xigtay oo ku dhacday Suuq Xaafada Juungal degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa sababtay dhimashada ilaa 9 ruux oo goob qura kuwda geeriyooday halka 13 kalana ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale Madaafiic ku dhacday Suuqa Bacaad ayaa sababtay dhaawaca ilaa 9 ruux halka sidoo Madaafiic ku soo dhacday Xaafad ka mid ah degmada C/Casiisna uu sababay dhimashada hal ruux iyo dhaawac 2 kale kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah.

Cali Muuse Sheekh oo ka mid ah saraakiisha gaadiidka Gurmadka deg deg ah ayaa Shabelle u sheegay in ay qaadeen dhaawacyada ku dhawaad 65 qof oo dhamaantood ahaa dad rayid ah kuwaasi  oo ku waxyeeloobay dagaaladii iyo duqeymihii galabta ka dhacay Waqooyiga Muqdisho.

Intii duqeyntaasi ay socotay ayaa waxa bar bar socday dagaal xoogan oo ciidamada dowladda KMG oo garabsanayay kuwa AMISOM iyo Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab ku dhexmaray Xaafada Beexaani degmada C/casiis ee gobolka Banaadir halkaasi oo saakay dagaal qaraar uu sidoo kale ka dhacay.

Dagaalkaasi oo aan la ogeyn qasaaraha uu soo gaarsiiyay dhinacyada dagaalamay ayaa qaboobay Caawa Maqribkii waxaana wararka qaar ay sheegayaan in  galabta la isku qabsaday gacan ku heynta fariisimo kuyaala Hoteelka Golobal ee Magaalada Muqdisho kaasoo ay saakay la wareegeen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab sida uu sheegay Afhayeenkooda Sheekh Cali Dheere oo ka hadlay dagaaladaasi.

Xaalada goobihii lagu dagaalamay ayaa haatan waxoogaa xasiloon waxaana marar qaar laga maqlayaa dhawaqa rasaas teel teel ah oo ay isku ridayaan dhinacyada halkaasi isku horfadhiya.

Tirada Guud ee dadkii ku waxyeeloobay dagaaladii iyo duyqeymihii saakay waabarigii ilaa Caawa Maqribkii ka dhacay Waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay caga cageynaysaa dhimashada in ka badan 25 ruux iyo dhaawac in ku dhow 80 qof oo dhamaantood rayid ah, waana dagaalkii ugu qasaaraha badnaa ee mudooyinkaan soo mara Magaalada Muqdisho.

Add New Comment