Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya oo magangalyo siyaasadeed siiyay Safiirkii hore ee Liibiya u fadhiyay Soomaaliya (SAWIRRO)



Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta xafiiskiisa qaabilaad sharafeed ugu sameeyey safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Xukuumada Liibiya Ambassador Ciisa Rabiic Caashuur, kaasoo dhawaantan sheegay inuu xilkiisa iska casilay tan iyo inta uu madaxweynaha ka yahay dalka Liibiya Mucammar Al-Qaddafi.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Maxamed Cabdullaahi ayaa isaga oo ka faa’iideysanaya fursadan baaq u jeediyay shacabka dalka Liibiya isagoo ka codsaday in aysan dhibaateyn shacabka Soomaaliyeed ee qaxootinimada u miciin biday dalka Liibiya.

“Waxaan baaq u jeedinayaa walaalaheena shacabka Liibiya waxaana ka codsanayaa in aysan dhibaateyn shacabka walaalahooda ah ee Soomaaliyeed oo qaxootinimada ku jooga dalkooda maadaama dalka Soomaaliya maanta aysan wanaagsaneyn xaaladiisa amni” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo si gaar ah u xusay in shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Liibiya aysan qeyb ka aheyn rabshaddaha, banaanbaxyada iyo siyaasadaha dalka Liibiya  balse ay yihiin oo kaliya shacab xoogsato ah sidaasina loo tixgeliyo.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu magangelyo siyaasadeed siiyay safiirka xilkiisa ka degay ee dalka Liibiya Ambassador Ciisa isagoo u ballanqaaday in dalka uu joogi karo tan iyo inta uu si xor ah uga baxayo “Dowladda Soomaaliyeed waxay magangelyo siyaasadeed (Political Asylum) siisay Ambassador Ciisa Rabiic oo ah Diblomaasi Liibiyaan ah waxaana damaanad qaadeynaa Amnigiisa, Noloshiisa iyo sharafkiisaba, wuxuuna wadanka joogi karaa tan iyo inta uu ka go’aansado inuu isaga tago” ayuu yiri Mudane Farmaajo.

Ambassador Ciisa Rabiic Caashuur oo isna munaasabadan ka hadlay ayaa ka mahadcelinayay qaabilaada diiran ee Ra’iisul Wasaaraha, isagoo si gaar ahna uga mahadceliyay magacgelyada siyaasadeed ee ay siisay dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed.

“Waxaan halkan ugu horeyn mahad ballaaran ugu jeedinayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliyeed iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee igu sharfay iina ogolaaday inaan wadankooda ku noolaado, waxaan si gaar ah uga mahadcelinayaa damaanad qaadka la ii sameeyey” ayuu yiri Ambassador Ciisa.

Dhanka kale, Ambassador Ciisa Rabiic Caashuur wuxuu baaq u jeediyay shacabkiisa reer Liibiya isagoo ugu baaqay in asyan dhibaateyn shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Liibiya, wuxuuna carabka ku dhiftay in Soomaalidu ay Liibiya u joogaan sidii ay u heli lahaayeen magangelyo maadaama dalka Soomaaliya ay ka jiraan nabad darri.

Add New Comment