Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo Dowladda Ingiriiska ka mamnuucday in ay dhaqdhaqaaq ka sameyso gudaha Britan

 
 Alan Johnson oo ah xoghayaha arimaha gudaha ee wadanka Ingiriiska ayaa maanta soo saaray amar looga mamnuucayo Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab  in deeq dhaqaale looga urruuriyo ama taageero looga fidiyo  gudaha wadanka Ingiriiska, waxaana la sheegay in dhaqangalka amarkani uu ku xiran yahay in marka hore  Barlamaanka wadanka Ingiriiska uu ansixiyo.

Alan Johnson waxa uu ka digay  xubin ka noqoshada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab waxuuna sheegay qofkii sameeya arrintaasi asagoo jooga gudaha wadanka Ingiriiskain in loo arki doono  dambile sida ku qoran amarka uu maanta soo saaray xoghayaha , waxaana la sheegay in dhaqangalka amarkani uu ku xiran yahay in marka hore  Barlamaanka wadanka Ingiriiska uu ansixiyo.

Marka loo eego Qaaradda Yurub oo dhan wadanka Britan ayaa ah meesha ugu badan oo ay ku nool yihiin  dadka Soomaalida ah,hadaba haddii la ansixiyo sharcigan cusubi waxaa ay Soomaalida degan Britan ay walaac ka muujiyeen in ay suurtagal tahay in ay waxyeelo soo gaarto lacagaha ganacsatada yar yar ee ka shaqaysta gudaha wadankaasi kuwaasoo lagacaha ay usoo marto dhanka Xafiisyada dhowrka ah ee ku shaqaysta lacag xawilidda.

Sidoo kale waxa kusoo kordhay Soomaalida Degan Britan cabsi weyn markii  agaasimaha hay’adda Sirdoonka dhinaca Milatariga ee wadanka Ingiriiska (MI5)Jonathan Evans uu walaac xoogan ka muujiyay  ganacsatada Soomaalida ah ee u safarta wadanka Soomaaliya in ay ku biiraan  kana bar-bar dagaalamaan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo qaar badanna ay ku geeriyoodeen dagaaladaasi.

Si kastaba ha ahaatee waxa soo baxayo ammaro lagu xakameynayo Soomaalida taageersan xooggaagga mucaaradka ee degan wadanka Britan kadib markii ay soo if baxday in Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya  Sh.Shariif sh.Axmed iyo wafdi balaaran uu hoggaaminayo inay booqasho rasmi ah ku imaanayaan wadanka Britan dhawaan.

Add New Comment