WFP oo sheegtay in ay sii wadi doonto howlihii gargaar ee ay ka waday dalka Soomaaliya kadib Markii shalay ay Mamnuuceen Xarakada Al Shabaab.


Hay’ada WFP ayaa waxa ay sheegtay in ay sii wadi doonto howlihii gargaar ee ay ka waday dalka Soomaaliya kadib markii shalay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay sheegeen in hay’adaasi ay ka mamnuuceen in ay ka howlgasho dalka Soomaaliya.

 

Afhayeenka hay’ada Cunada Aduunka ee WFP Peter Somerton oo xalay wareysi siiyay Shabelle isagoo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya ayaa waxa uu sheegay in hay’adda WFP ay sii wadi doonto caawimaada ay u fidiso dadka barakacaaya Soomaalida ah ee ku sugan xerooyinka ku yaala gudaha wadanka Soomaaliya.

 

Waxa uu sheegay in si walbo ee ay u suuro gal ku tahay in shaqaalahooda jooga Soomaaliya ay dadka maatida ah gaarsiiyaan gargaarka ay u fidiso hay’adda WFP isagoo sheegay in aanu tixgalin doonin cida maamusha goobta ay ku noolyihiin dadkaasi ay gaarsiinayaan gargaarka bani’aadannimo.

 

Afhayeenka WFP Peter Somerton ayaa waxa uu ka  gaabsaday in jawaabo  badan uu ka bixiyo  hadalo dhowr jeer ka soo yeeray Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo ku aadanaa in Hay’adda WFP laga joojiyay shaqooyinkii ay ka waday Soomaaliya.

 

Hasa ahaatee, Shalay ayay aheyd markii War saxaafaadeed kii ugu dambeeyay ee ka soo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab lagu mamnuucay in guud ahaanba WFP ay ka shaqeyn karin gobolada ay gacanta ku hayaan Xarakada Al Shabaab iyadoo diginiin culus loo jeediyay qandaraaslayaasha Soomaalida ah ee la shaqeeyay hay’adaasi tilaabo adag ay ka qaadi doonaan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.


Add New Comment