6 askari oo ka tirsanaa Ciidamada booliiska Dowladda KMG ah oo qarax lagu dilay maanta magaalada Moqdishu



Qarax ahaa miino nuuca meelaha fog fog laga hago ayaa lala beegsaday gaari ay saarnaayeen Askar ka tirsana Ciidamada booliiska Dowladda KMG , ilaa 6 askari ayaa ku geeriyootay qaar kalana way ku dhaawacmeen qaraxaasi kaasoo maanta barqanimadii ka dhacay  agagaarka Iskoolka Booliiska ee degmgada Xamarjajab ee Magaalada Moqdishow.

Askarta ku geeriyootay qaraxa ayaa duhurnimadii maanta waxaa aas wadareed loogu sameeyay Deegaanka Jaziira,  aaskaasi waxaa kasoo qeybgaleen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo Maamulka Gobolka Banaadir,qaraabadii iyo asaxaabtii askartaasi geeriyootay.

Waxaa sidoo kale maata duhurnimadii ilaa 5 ruux oo rayid ay ku geeriyoodeen qaar kalana ay ku dhaawacmeen kadib markii  Madaafiic lagu garaacay suuqa weyn ee bakaara ee Magaalada Muqdisho.
 
Ma ahani markii ugu horeysay ee qarax noocani ah  lala beegsado Ciidamada Dowladda KMG ah ama madaafiic lagu garaaco suuqa weyn ee Bakaara ,waxay noqotay mid soo noqnoqato taasoo keentay in ay marwaliba inay ku naf iyo maal waayaan dadweynaha Soomaaliyeed ee degan halka qaraxa ka dhacayo  ama madaafiicda kusoo dhacayso.

Add New Comment