Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo noqday wasiirkii 4-aad ee is casila



Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda KMG ee Soomaaliya mudane Cabdiraxmaaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta ku soo biiray wasiirradii maalinnimadii shalay iska casilay xilkii ay ka haayeen xukuumadda uu ra'iisul -wasaaraha ka yahay mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo asagoo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu ka haayeye Xukuumadda KMG ee Soomaaliya.

Mudane Cabdiraxmaan mar uu ka hadlayey sababta ku kalliftay inuu is casilo ayaa waxa uu yiri: “Markii Jabuuti lagu soo dhisay Xukuumada KMG ah waxa ay ballan ku qaadday in ay wax ka qabaneeyso Afar qodob oo kala ahaa Nabadgelyada, dib-u-heshiisiinta, dhismaha heykalki dowladnimo iyo Gargaarka, waxaana cad in ay dhamaantoodba ku guuldareeysatay sidaa darteedna ay soo ifbaxeen rag abuuraya fidno siyaasadeed”.

Wasiirkii Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalmiga mudane Cabdiraxamaan Cabdishakuur oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in uu go’aansaday in uu iska casilo xilkii wasiirnimo ee uu Xukuumada ka hayay kadib markii sida uu sheegay uu yaqiinsaday in aaneey waxba qabankarin.

Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa noqonaya xubintii 4-aad ee ka tirsan golaha wasiirrada Dowladda KMG ee Soomaaliya ee muddo 24 saac ah gudahood iska casila xilkiisii wasiirnimo ayaadoo shalay ay is casileen saddex xubnood oo kala ahaa Wasiirkii Hiddaha iyo Tacliinta Sare Dr. Maxamed Cabdullaahi Oomaar, Wasiiru-Dowlihii Gaashaandhigga Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) iyo Wasiiru-Dowlihii Madaxtooyada mudane Xasan Macalim.



Add New Comment