Wasiir u dowlaha Gaashaandhigga Dowladda Soomaaliya oo sheegay inuu xilkiisii iska casilay


Wasiiru dowlihii Wasaaradda Difaaca Soomaaliya Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) ayaa maanta sheegay inuu iscasilay uuna warqad iscasilaaddiisa u gudbiyay Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke.

Sheekh Yuusuf Indhocadde oo wareysi siiyay Idaacadda Danan oo ka mid ah kuwa ka howgala Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu xilkaas iska casilay, kaddib markii uu ogaaday in xukuumaddu aysan awood u lahayn inay wax qabato.

"Waxaan Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya u gudbiyay Warqaddii aan isku casilay, isaga ayaana ka sugayaa inuu jawaab ka bixiyo, waayo Dowladdu waa mid aan waxba qaban karin" ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indhacadde.

Sidoo kale wasiir u dowlahan xilkiisa iska casilay wuxuu horay ugu eedeeyay Dowladda inay la shaqeyso kooxaha Dowladda kasoo horjeeda ee Xisbul Islaam iyo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, taasoo aanu Ra'iisul wasaaruhu ka jawaabin.

Dhanka kale, Warar kale oo hoose ayaa sheegaya in Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta Sare Maxamed C/llaahi Oomaar iyo Wasiir u dowlaha Madaxtooyada Xasan Macallin ay iyaguna u gudbiyeen Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya warqado ay isku casilayaan.

Lama sheegin sababta keentay in labadan xubnood ee kale oo aan weli la hadlin saxaafadda ay u gudbiaan iscasilaaddooda, waxaase horay u sheegay inuu warqad iscasilaad ah u gudbiyay Ra'iisul wasaaraha Wasiirkii Dalyeelka Naafada Dr. Maxamed Cali Ibraahim.

Xafiiska Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaan weli ka hadlin Iscasilaadaha la sheegay in loo gudbiyay, waxaana jira khilaaf u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra'iisul wasaarihiisa Cumar C/rashiid.


Add New Comment