TACSI - Geerida Al-Marxuum Sheekh Cabdulmajiid Sheekh Cabdiqani oo ku geeriyooda Muqdisho



inaalilaahi[1].jpg

Waxaa saqdii dhexe ee habeenimadii Axadda 05/06/2011 magaalada Muqdisho ku geeriyoodey Allaah ha u naxariistee Al-Marxuum Sheekh Cabdulmajiid Sheekh Cabdiqani oo ka mid ahaa culimada ugu waaweyn dalka Soomaaliya dhanka fidinta diinta Islaamka.

Al-Marxuum Sheekh Cabdulmajiid Sheekh Cabdiqani waxa lagu xusuustaa tafsiirka Qur'aanka Kariimka ah, oo uu si wanaagsan ugu fasiri jiray dadkii wax ka baran jiray, waxa kale oo uu ku caam baxay sidii geesinimada lahayd ee uu uga soo qaybqaatay halgankii u dhexeeyey culimaa'udiinka Soomaaliyeed iyo dowladdii kacaanka, taasoo culimadii waaweyneed ee Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Maxamed Macallim, Sheekh Shariif Sharafow, Sheekh Ibraahim Suuley ay ugu yeeri jireen Al-Asad oo micnaheedy yahay Libaax, dhiirida uu ku dhiirraday dowladdii Kacaanka awgeed.

Marxuumka waxa uu ku dhashay magaalada Harar ee gobolka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia sanadkii 1951 waxna ku soo bartay, kaddibna horraantii sanadihii 70-meeyadii ayaa waxa uu u soo wareegay magaalada Muqdisho oo uu kaga biiray culimo berigaas u taagneeyd fidinta diinta Islaamka iyo ka hortagidda nidaamkii shuuciyadda ku dhisnaa ee dowladdi waddanka ka jirtay.

Marxuumka waxa uu Kitaabo ka akhriyay Misaajiyda dhowr ah ee ay ka mid yihiin  :

Masaajidka Maqaanka( 1975) , Shamsu diin(Waabari), Masjidka Weheliye (Howl wadaag), Siraaji (Yaaqshiid) iyo kuwa kale..taasoo dhowr jeer qatar gelisay naftiisa ilaa uu  fidenta Diinta ku muteystay inuu galo xabsi qaatay muddo dheer 1976 ilaa laga sii daayey 1981 marki lasoo dayey halkiisii ayuu kasii waday.
 Sheekhu waxa kale oo uu xubin ka ahaa Majmacii Culimada Soomaaliyeed ee la aasaasay sanadkii 1991-dii.

Sheekh Cabdulmajiid oo ahaa wadaad indhoole ah ayaa haddana waxa uu lahaa dad fara badan oo u ahaan jiray arday, si wanaagsanna uga soo bartay fasirka Qur'aanka waxaana maanta la heli karo cajalado lagu keydiyey tafsiirkiisi iyo muxaadarooyinkiisiiba.

Allaah ha u naxariistii Sheekh Cabdul Majiid Sheekh Cabdiqani wuxuu ifka kaga tagay xaas iyo caruur, waxaana geeridiisa la ogeysiinayaa dhammaan eheladiisa oo kala jooga dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba, asagana waxaa Allaah loogaga baryayaa inuu ka waraabiyo Jannadii Fardowsa, intii uu ka tagayna uu sabar iyo iimaan ka siiyo. AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN 



















Add New Comment