Axmed Dhimbil Rooble oo loo doortay ku-xigeenka 2-aad ee guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya


Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamaanka Soomaaliya u doortay mudane Axmed Dhimbil Rooble Casoowe, kaddib markii uu ka guuleystay 9 xildhibaan oo jagadaasi kula tartamay.

Kaddib is reeb reeb laba wareeg qaatay ayaa waxa isku soo haray mudane Axmed Dhimbil Rooble iyo Cusmaan Cilmi Boqorre oo asagu horey isagu hore u ahaan jiray guddoomiye ku-xigeenkii 2-aad ee barlamaanka, horeyna isaga casilay xilkaasi.

Ugu dambeyntiina mudane Axmed Dhimbil 208 cod, halka murashixii kula tartamayey wareeggii uga dambeeyeyna oo ahaa mudane Cusmaan Cilmi Boqorre uu helay 84 cod oo keliya, sidaas ayuu Dhimbil ku noqday guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Barlamaanka Soomaaliya.

Gudomiye ku xigeenka cusub ayaa intaasi kaddib isla goobtaasi lagu dhaariyay, sidaas ayaana guddoonkii sare ee Barlamaanka Soomaaliya uu dhammaanba ugu wada wareegay xubnihii Golihii Dib-u-Xoreynta garabkii Jabuuti ee uu hoggaaminiyey madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Add New Comment