Doorashada guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Barlamaanka oo ka dhacaysa Xarunta Golaha shacabka


Waxaa maanta Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ka socota doorashada ku-xigeenka 2-aad ee guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya, kaddib markii shalay la doortay ku-xigeenkii 1-aad ee guddoomiyaha BarlamaankaSoomaaliya.

Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqorre oo asagu horey isaga casilay xilka guddoomiye ku-xigeenka 2-aad iyo xildhibaano kale oo dhowr ah ayaa maanta ku tartamaya codadka xildhibaannada Barlamaanka Soomaaliya.

Sharci ahaanshiyaha doorashadii shalay ka dhacday xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka taagan dood, kaddib markii Prof. Maxamed Cumar Dalxa uu diiday natiijadii doorashada, kuna adkeystay inuu asagu weli yahay guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Barlamaanka, wixii shalay dhacayna ku tilmaamay inay ahaayeen wax aan dastuurka waafaqsaneyn.

Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ammaanka xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho sugaya, ayadoo la arkayo ayagoo isku ballaariyey agaaraha xarunta iyo dhammaanba jidadka soo gala.

Add New Comment