Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey oo loo doortay ku-xigeenka 1-aad ee guddoomiyaha barlamaanka

Xildhibaannada Golaha Baalamaanka Soomaaliya ayaa Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha maalinnimadii shalay u doortay Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, doorashadaas oo ka dhacday xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Doorashada oo la isla gaaray wareega 3-aad ayaa waxaa iskugu soo haray Xidhibaan Cabdiwali Sh,.Ibaraahim Muudey iyo xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, iyadoo Xildhibaan Cabdiwali uu wareegaasi ugu danbeeyn helay 192 cod, halka Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye ay heshay 130 cod, iyadoo ay xumaadeen 3 cod oo codadkii la dhiibtay ka mid ah, sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka oo ku dhawaaqay natiijada codadka.

Xildhibaan Khadiijo Max’ed Diiriye oo intaa ka dib hadal kooban ka jeedisay halkaas ayaa u mahad celisay gudoonka Barlamaanka, mudanayaasha golaha shacabka, iyo intii ka qeyb qaadatay qabsoomida doorashadaan, waxeyna sheegtay in ay ku faraxsan tahay in Xildhibaan Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey uu noqdo Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka.

Musharaxii Guuleystay ee Cabdiwali oo asagana munaasabaddaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyey dhammaan guddoomiyaha iyo xubnaha baarlamaanka intii u codeysay iyo intii kalaba, asagoona intaa kaddib halkaasi lagu dhaariyey musxafka Qur'aanka Kariimka ah.

Doorashada guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa dhacday xilli guddoomiye ku xigeenkii 1aad ee hore Prof. Max’ed Cumar Dhalxa uu ku adkeysanayo in uu wali yahay ninka jagadaasi haya, maxkamadda sare ee dalkana ay ku taageersan tahay.

Add New Comment