Xarrakada Al-shabaab oo soo bandhigtay sawirrada mid ka mid ah gaadiidka AMISOM oo ay gubeen iyo taangi god ku dhacay


 Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa soo bandhigay sawirrada mid ka mid ah gaadiidka AMISOM oo ay ku gubeen dagaalkii shalay ka dhacay degmada Boondheere iyo taangi god ku dhacay. Afhayeenka howlgallada Xarrakada Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa shalay warbaahinta u sheegay inay gubeen laba taangi iyo gaari kale oo kuwa dhulka aasa ah.

Sawirrada ay soo bandhigtay Xarrakatul Shabaab ayaa muujinaya gaari Katarabiil lagu duugo godadka oo gubtay iyo taangi ku dhacay bohol u muuqatay in horay loo diyaariyay, iyadoo sawirradan ay yihiin kuwo meel fog laga qaaday.

Afhayeenka Xarrakatul Shabaab ee dhinaca ciidamada Sheekh Abuu-Muscab ayaa sheegay in shalay aroortii ay weerarro kusoo qaadeen ciidamada ka tirsan AMISOM oo ka guuray jidka Maka Al-Mukarama ayna iska caabiyeen, isagoo sheegay inay ka gubeen taangiyo iyo gaadiid kale.

Mr. Prosper Hakizimana oo ah ku xigeenka afhayeenka AMISOM ayaa isna beeniyay in laga gubay gadiid ay wateen, isagoo sheegay in haddii ay jiraan gaadiid dagaalka looga gubay lagu soo bandhigi lahaa sawirro laga soo qaaday.

Add New Comment