Maamulkii Xisbul Islaam ee degmada Jalalaqsi oo ku biiray Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidiin gobolka Hiiraan

Wararka ka imanaya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maamulkii Ururka Xisbul Islaam ee degmadaasi iyo weliba tuulooyinka hoos taga ay ku biireen maamulka gobolka Hiiraan ee Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidiin.
Is beddelkan ayaa soo baxay kaddib markii galabnimadii shalay uu guddoomiyihii Xisbul Islaam ee degmada Jalaqsi Sheekh Cali iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidiin Sheekh Yuusuf Cali Ugaas ay ayagoo wada jira meel fagaare ah ka sheegeen in maamulkii Xisbul Islaam ee degmada Jalaqsi uu la midoobay Xarakatul shabaab Al-Mujaahidiin.

Dhacdadan ayey dadka reer Jalalaqsi ku tilmaameen inay tahay mid ijaabi ah, loona baahan yahay in la mideeyo xarakaatka Islaamiga ah ee dalka ka jira.

Ma jiro wax war ah oo arrintaasi ku saabsan oo ka soo baxay dhinaca Ururka Xisbul Islaam, mana aha markii ugu horreysay ee maamul ama saraakiil ciidan oo ka tirsaneyd Ururka Xisbul Islaam ay ku biiraan Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidiin, taasoo uu guddoomiyaha Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys horey uga hadlay, si qaboowna u muujiyey sida ururkiisu uga xun yahay in xoogagga ayaga dhinacooda ka taga laga soo dhoweeyo dhinaca kale ee Al-S

Add New Comment