Xaaji Shukri Sheekh Axmed oo sheegay in maanta la dooran doono labada G/ku-xigeen ee Barlamaanka


Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka ee Barlamaanka KMG ee Soomaaliya Xaaji Shukri Sheekh Axmed ayaa sheegay in gelinka hore ee maanta la qaban doono doorashada gudoomiye-ku-xigeennada 1-aad iyo 2-aad ee Barlamaanka Soomaaliya.

Xaaji Shukri Sheekh Axmed ayaa sheegay in kaddib markii ay hay'adaha dastuuriga isla meel dhigeen  iskuna waafaqeen doorashada labada ku-xigeen ee Guddoomiyaha Barlamaanka, maanta uu Barlamaanku qaban doono doorashada guddoomiy ku-xigeennada Barlamaanka.

Xaaji Shukri waxa kale oo uu sheegay in uu dhammaaday waqtigii ay Maxkamadda Sare u qabatay in la hakiyo doorashada ku-xigeennada, haatanna ay Maxkamaddu oggolaatay in la qabto doorashada, kaddib markii loo gudbiyey warbixinnadii ay Barlamaanka soo weydiisay.

Xaaji Shukri Sheekh Axmed ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in murashixiin gaaraysa 20 ay maanta u tartami doonaan qabashada xilka labada guddoomiye ku-xigeen ee Barlamaanka Soomaaliya, wuxuuna muujiyey sidaa uu ugu rajada weyn yahay in ay guul ku dhammaan doonto.

Dhowaan ayey ahayd markii is qab-qabsi muddo soo jiitamayey oo u dhexeeyey qaar ka mid ah xildhibaannada iyo guddoonkii Barlamaanka uu ku dhammaaday inuu is casilo guddoomiyihii hore, lana doortay guddoomiye cusub oo ah Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Add New Comment