Dowlada Shiinaha oo dib u furunaysa Safaradeedii dalka Soomaaliya

Sida lagu daabacay jariirada Daily Mail ee ka soo baxda dalka Britain Dowlada Shiinaha ayaa sheegtay in 23 sano kadib ay dib ugu furnayso Safadeedii dalka Soomaaliya . Afhayeenka Wasaarada Arimaha dibada dalka Shiinaha Hong Lei ayaa sheegay in go’aankan uu yimaaday kadib markii Soomaaliya ay yeelatay Dowlada Federaal ah iyo Baarlamaan kadib mudo 21 sano ah. Hong Lei oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in maalinta bari ah wafdi heer sare ah oo ka socda dowlada Shiinaha uu soo gaari doona Magalada Caasimadaha ee Muqdisho wafdigaas oo kulamo la qaadan doono Madaxda dowlada Soomaaliya. Afhayeenka Wasaarada Arimaha dibada Shiinaha Hong Lei ayaa intaasi ku daray in xiliagn Soomaaliya ay gashay Marxalad cusub kaas oo fursad u ah hormarka labada dal, horseedi karana in Soomaaliya iyo Shiinaha ay dib u soo ceshtaan xiriirkoodiii ka dhaxayn jiray. Safiirkii dalka Shiinaha u fadhin jiray dalka Soomaaliya ayaa ka tagay Dalka Soomaaliya bishii January 1991 kadib markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamad Siyaad bare xilgaas oo wixi ka danbeeyay dalka ay ka qarxeen dagaalo sokeeyo. Hadalka Dowladda Shiinaha ayaa soo baxaya xilli dhawan dowladda Maraykanka ay sidaan oo kale ugu dhawaaqday in ay dib uga furaneyso Safaradeedii dalka geeska Africa ku yaala ee Soomaaliya.

Add New Comment