Duqa Muqdisho Oo Xalay Furay Barnaamijka Nabad Ku Afur

Gudoomiyaha gobalka Banaadir ayaa xalay magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay Barnaamijka “Nabad Ku Afur” iyadoo dagmada Dharkeenleyna ay noqotay dagmadii ugu horreeysay ee lagu furo barnaamijka. Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo ay weliyeen ku xigeenadiisa, Saraakiisha ciidamada amaanka, odayaal iyo waxgarad kala duwan ayaa xalay si nabad ah ugu afuray xarunta degmada Dharkeynleey. “Sharafweyneey ii tahay in gudoomiyaha gobolka Banaadir uu soo booqdo degmada dharkeynleey kana qeybgalo barnaamijka Nabad Ku Afur oo degmadeenu nasiib u yeelatay in lagu furo, waxaana u mahadcelina gudoomiyaha gobolka Banaadir oo nuugu kaalmeeyay inaan ka guuleysano kooxaha nabad diidka ah” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Dharkeynley Aadan Maxamed Cumar. Gudoomiyaha gobolka Banaadir mudane Muungaab oo afurka kadib la hadlay bulshada ku nool Dharkeynleey ayaa ku boorriyay iney isku duubnaadaan si wada jir ahna uga hortagaan cadowga nabad diidka ah “ujeedadu waxey tahay in maamulka, ciidamada iyo bulshaduba isla afuraan, is wareystaan, isla fariistaan talo iyo xogna isdhaafsadaan, waxaana idinku baraarujinayaa inaad isku duubnaataan si wadajir ahna uga qeyb qaadataan sidii aad uga hortagi laheydeen kooxaha nabad diidka ah” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Banaadir mudane Muungaab. Barnaamijka nabad ku afur oo si nabad ah xalay uga dhacay degmada Dharkeynley ayaa ah olole ballaaran oo uu ku dhawaaqay madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Add New Comment