TACSI - Geerida marxuumad Siteey Jeylaani Xasan oo ku geeriyootay magaalada Nairobi ee waddanka Kenya


inaalilaahi[1].jpg

tacsi.jpg

Waxaa  habeenimadii khamiista 02/06/2011, saacadda marki ay aheyd 01: 00 am  magaalada Nairobi ku geeriyootay marxuuma Siteey Jeylaani Xasan, waxaana geerideeda marxuumadda la ogeysiinayaa dhammaan eheladeeda iyo asxaabteeda oo ku kala nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

Geerida marxuumadda Siteey Jeylaani Xasan oo 56 sano jir ahayd ayaa waxaa loogaga tacsiyeynayaa saygeedi Nabaddoon Maxamed Shiikh Maclow, carruurteeda, hooyadeed, walaalaheed iyo dhammaanba qoyska reer Mooge Faarax, marxuumaddana waxaa Allaah loogaga baryayaa inuu ka waraabiyo jannadii Fardowsa. AAMIIN - AAMIIN -

Waxa sidoo kale tacsi gaar ah diraya maamulka shabakadda SilGor.com, Xoghaynta iyo xubnaha Ururka SilGor,
waxayna marxuumadda Allaah uga baryayaan in jannadii Fardowsa ka waraabiyo, eheladii ay ka geeriyootay oo ay ugu horreeyaan seygeedi Nabaddoon Maxamed Shiikha Maclow, hooyadeed Xaliimo Shiikh Cumar (Isbaashe), carruurteeda, walaalheed iyo qoyska sharafta leh ee reer Mooge Faarax ayagana sabar iyo iimaan Allaah haka siiyo.
AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN -

Add New Comment