Wararkii ugu danbeeyay dagaal culus oo deegaanno ka tirsan Goballka Galgaduud ku dhaxmaray Ahlu Sunna Waljameeca iyo Xarakada Al-shabaab.



  Dagaalo inta la xasuusto ah kuwii ugu cuslaan ee soo mara Goballka Galgaduud ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ku dhaxmaray deegaanno ku dhaw dhaw degmada Dhuusa-mareeb Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca iyo kuwa Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab.

Dagaallkii ugu adkaan oo socday mudo ka badan 8 sacadood oo xiriir ah ayaa labada dhinac waxaa uu ku dhaxmaray deegaannka lagu magacaabo Bulacle oo wax ka yar 30-km u jira degmada Dhuusa-mareeb ee Goballka Galgaduud kadib markii Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca weeraro is daba joog ah ku qaadeen fariismo ay halkaa ku lahaayeen Ciidamada Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab.

Dadka deegaanka oo ay Wariyayaashu la hadlleen ayaa sheegay in Ciidan aad u hubeysan oo ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca labo Jiho ka soo weerareen fariisimaha Xoogagga Al-shabaab, waxaana ay intaa ku dareen ay maqlayeen dhawaqa noocyada hub-ka ee dhanacyadu u adeegsanayeen dagaallka oo soo gaaray ilaa galab dhinacii shalay.

Yuusuf Ciise Kabo-kutukade oo ah Wakiilka Xarrakada Al-shabaab ee Goballka Galgaduud ayaa sheegay in dagaallkii shalay dhacay dhinacooda guulo ka soo hooyeen, isaga oo intaa ku sii darray in ay siweyn ugu
dhawaadeen degmada Dhuusa-mareeb oo hadda u jirta sida uu sheegay wax ka yar 5-km.

Laakiin Afhayeenka Ahlu Sunna Waljameeca Shiikh C/llaahi Abuu Yuusuf Al Qaadi ayaa sheegay in dagaallkii shalay uu ahaa mid ay iyagu qaadeen islamarkaana ay siweyn ugu jabiyeen kooxihii ay dagaallka la
galeen, waxaana uu intaa ku darray in hadda dib loogu celiyay Ciidamada Al-shabaab meelahii sida uu hadalka yiri ay markii hore ka soo duuleen gaar ahaan waxaa uu carabka ku dhuftay degmada Ceel-buur.

Abuu Yuusuf Al Qaadi waxaa  sidoo kala ka hadllay khasaaraha ka dhashay dagaallkii shalay dhacay, waxaana uu sheegay in deegaannka Bulacle markii ay ka saareen Xoogagga Al-shabaab ku arkeen Meydka inka badan 25 ruux oo sida uu sheegay dhamaatood ka tirsan dhinacii ka soo horjeeda, laakiin ma'uusan sheegin khasaaraha dhinacooda ka soo gaaray dagaallkii shalay dhicay.

Marka laga soo tago sheegashada dhinacyada iska soo horjeeda wararka Madaxa banaan ee laga hellayo dadka ku dhaw dhaw deegaannada dagaalladu ka dhaceen waxaa ay sheegayaan in Xoogagga Ahlu Sunna
Waljameeca wax xoogaa hor mar ah ka sameeyeen dagaalladii ugu danbeeyay ee dhacay, waxaana wali jira xiisado dagaal iyo Abaabul ka dhax socda kooxaha iska soo horjeeda kuwaasoo laga yaabo in mar kale
saacadaha soo socda dagaallo culus ka dhax maraan.

Dadka ku dhintay dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Goballka Galgaduud ayaa waxaa siweyn uga xumaaday una canbaareeyay Hay'addaha Xaquuqda Aadanaha, waxaana xusid mudan in Warbixin ay soo saartay Hay'adda Nabada iyo Xuquuqda Aadanaha ee Elman lagu sheegay in dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Goballka Galgaduud ku dhinteen in ka badan 25 ruux halka 50-kalana ay ku dhaawacmeen.

Add New Comment