Waqooyiga magaalada Muqdisho oo maanta deggan


Waxaa saakay deggan goobihii Waqooyiga magaalada Muqdisho ee ay shalay gelinkii dambe ilaa iyo xalay dirirtu ku dhex mareysay ciidamada miletariga Dowladda KMG iyo kuwa Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin, gaar ahaan aagaggii degmada Cabdulcasiis ay kaga sugnaayeen ciidamada dowladda.

Dagaalladaan shalay ilaa iyo xalay ka dhacayey meelo ka mid ah waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa waxaa barbar socday madaafiic aad u culus oo ku soo hoobaneysay meelo goobaha dagaalka ka baxsan kuwaasoo geystay qasaarooyin isugu jiray dhaawac, dhimasho iyo burbur hantiyeedba.

Waaliga gobolka Banaadir ee Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa sheegay inay dagaalkaasi guulo ka gaareen, kuna qabsadeen fariisamo ay ciidamada dowladdu kaga sugnaayeen degmada Cabdulcasiis, sidoo kalena ay ciidamada dowladda ka qabsadeen hub fara badan.

Waxaa ayagana maanta dhankooda beeniyey sheegashada Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin Taliska Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo sheegay inaysan jirin saldhig ama hub lagala wareegay ciidamadooda, ayna haatan ku sugan yihiin dhammaan goobihii ay horey ugu sugnaayeen.
 
Marka laga reebo sheegashada labada dhinac ee iska soo horjeeda ayaa waxa aan jirin warar madax bannaan oo xaqeejinaya sida ay tahay guud ahaan xaaladda goobihii dirirtu ka dhacday, waxaan saaka la maqlayaa dhawaqa rasaas goos goos ah oo halkaasi ka dhaceysa.

Add New Comment