Xildhibaanna Barlamaanka oo ansixiyey Ra'iisul-wasaaraha cusub ee Soomaaliya


Kulan ay maanta xarunta barlamaanka ku yeesheen xildhibaannada barlamaanka Soomaaliya ayaa waxa lagu ansixiyey magacaabista uu dhowaanta madaxweyne Sheekh Shariif uu u soo magacaabay Dr. Cabdiwali Maxamed Cali xilka ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa sida la sheegay waxa soo xaadiray xildhibaanno ay tiradoodu gaareyso 443, ayadoo codqaadistuna ay ahayd mid gacan taag ah ayaa waxa codka kalsoonida siiyey ra'iisul-wasaaraha 437 xildhibaan halka 4 xildhibaanna ay diideen, labo ka mid ah xildhibaannadana ay ka aamuseen.

Kulanka barlamaanka Soomaaliya ee maanta ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxa goobjoog ka ahaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, guddoomiyaha barlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan iyo ra'iisul-wasaaraha cusub ee uu dhowaanta soo magacaabay.

Ra'iisul-wasaaraha cusub ee Soomaaliya mudane Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo xildhibaannada la hadlayey ayaa sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo wax ka qabata dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya, dhankiisuna sheegay inuu waajibaadkiisa u gudan doono si ay ku jirto daacadnimo.

Kulankan ay goobjoog ka ahaayeen xubno ka socday Ururka Midowga Afrika (AU) ayaa waxa kale oo hadal kasoo jeediyey madaxweyne Sheekh Shariif oo sheegay in heshiiskii Kampala dhowaanta ka dhacay markiisa la hor keeni doono xildhibaannada barlamaanka Soomaaliya, ansixintiisuna ay ayaga u taal.

lagu ansixiyay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wafdi ka socda ururka Midowga Afrika oo uu hoggaaminayay ku xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya Wafula Wamanyinyi.

Madaxweynaha Soomaaliya oo la hadlay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday heshiiskii Kampalal, isagoo sheegay in heshiiskaas uusan noqonayn mid xalaal ah tan iyo inta ay iyagu ansixinayaan.

Ra'iisul wasaaraha cusub oo toddobaadkii lasoo dhaafay loo magacaabay xilka ayaa isla maanta lagu dhaariyay xarunta baarlamaanka, waxaana laga sugayaa inuu soo dhiso xukuumad shaqeysa halka sano ee soo socda, iyadoo kulanka lagu ansixiyay uu shir guddoomiye ka ahaa afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Ansixinta magacaabista ra'iisul-wasaaraha cusub ayaa waxa ay timid kaddib markii xilkaasi uu iska casilay ra'iisul-wasaarihii hore ee xukuumadda kmg ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo ay is casiladdiisu timid kaddib heshiiskii Kampala ee dhex maray madaxweynaha iyo guddoomiyaha barlamaanka.


Add New Comment