Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ku baaqay in la joojiyo dhibaatada lagu hayo shacaka


Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ka sheegay in mas'uuliyiinta Dowladda KMG iyo kuwa Xarakatul Shabaab lagula xisaabtami doono dhibaatooyinka shacabka kasoo gaara dagaallada ka socda dalka Soomaaliya.

Mudane Cabdqaasim ayaa aad carrabka ugu adkeeyey sida uu uga xun yahay dhibaatada shacabka Soomaaliyeed ka soo gaarta dagaallada, qaraxyada iyo duqeynta ka socata goobaha ay dadka rayidka ah deggan yihiin, wuxuuna mas'uuliyiinta labada dhinac ugu baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dhibaateynta shacabka.

Dr. Cabdiqaasim ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in maxkamad lasoo taagi doono dhammaan intii ka mas'uulka ahayd xasuuqa shacabka iyo sii hurinta colaadaha ka socda dalka Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Baaqa Dr. Cabdiqaasim ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli ay weli dagaallo xooggan kasii socdaan qaar ka mid ah gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya iyo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, dagaalladaasi oo u dhexeeya ciidamada dowladda, AMISOM iyo Ahlu Sunnah oo isku dhinac ah iyo Xarakatul Shabaab oo dhinaca kale ah.

 


Add New Comment