Madaxweyne Sheekh Shariif oo dalka dib ugu soo laabtay maanta


Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigii la socday ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, kaddib markii ay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti kaga soo qaybgaleen munaasabaddi xuska maalinta Qaranimada dalkaasi ee 27-ka Juun.

Madaxweyne Sheekh Shariif oo warbaahinta kula hadlayey xarunta madaxtooyada qaranka ee Villa Somalia ayaa waxa uu sheegay in munaasabaddii xuska maalinta qarannimada dalka Jabuuti ay ahayd mid si heer sare ah u dhacday, asaga iyo wafdigiisana si wanaagsan loogu soo dhoweeyey halkaasi, wuxuuna intaas kaddib madaxweyne Shariif mar kale u hambalyeeyey madaxda iyo shacabka reer Jabuuti. 

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa sidoo kale uga mahadceliyey madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle taageerada walaaltinimo ee dalkiisu uu la garab taagan yahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee walaalahood ah, wuxuuna madaxweynuhu intaa ku daray in asaga iyo madaweynaha Jabuuti ay yeesheen kulan gaar ah, ayna ka wada hadleen dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya.


Add New Comment