Madaxweynaha Jabuuti oo dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabadeynta dalkooda


Qudbad dheer oo uu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ka jeediyey munaasabadda xuska maalinta qarannimada dalkiisa ee 27-ka Juun ayuu waxa uu kaga hadlay arrimaha ka taagan dalka Soomaaliya, asagoona shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabadda iyo horumarka dalkooda.

Sidoo kale madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa ka warramay kaalinta dalkiisa kaga aaddan xal u helidda dhibaatooyinka ka taagan dalka Soomaaliya, asagoona sheegay in dowladda iyo shacabka reer Jabuuti ay u damqanayaan dhibaatada heysata dadka Soomaaliyeed ee walaalahood ah.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxa waxqabadkiisa ku aaddan mushkiladda Soomaaliya lagu xusuusan karaa in dalkiisu uu dhowr jeer oo hore martigeliyey shirar loo qabtay kooxihii Soomaalida ee isku hayey siyaasadda dalka Soomaaliya, ayadoona intii jeer oo dalka Jabuuti lagu kulmay lagu soo dhisay dowlado Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Mr. Cali Mahdi Maxamed, Dowladdii madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo tii ugu dambeysay ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Add New Comment