Doorashadii Somaliland oo si habsami ah uga wada billaabatay gobollada Somaliland


SLEllections.jpgWaxa saaka todobadii subaxnimo ka bilaabatay dhamaan gobollada Somaliland doroashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka ee Somaliland, ayadoona la arkayey dadweynaha reer Somaliland oo ku jira safaf aad u dhaadheer si ay codkooda u dhiibtaan.

Doorashada ayaa si habsami ah uga socota dhammaan gobollada Somaliland marka laga reebo goobo yaryar oo ka tirsan gobollada bariga Somaliland oo laga soo sheegay inay ka dhaceen wax xoogaa shaqaaqooyin ah iyo in ay kooxo diiddan gacan ku heynta Somaliland ee gobolka Sool ay isku dayeen inay carqaladeeyaan habsami u socodka codbixinta goobahaasi.

Madaxweynaha Somaliland Daahir Reyaale Kaahin iyo hoggaamiyeyaasha labada xisbi ee mucaaradka Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Feysal Cali Waraabe ayaa ayagu ugu horreyntiiba saaka aroornimadii hore codkooda ka dhiibtay xarunta codbixinta ee magaalada caasimadda ah ee Hargeysa.

Tallaabadan ay maanta Somaliland u qaadday dhinaca doorashada xisbiyada badan ayaa runtii ah mid tusaale u noqon karta dhammaanba qaybaha kale ee Soomaalida, gaar ahaan gobollada koonfureed ee Soomaaliya ee ay dagaallad sokeeye aafeeyeen 20-kii sano ee ugu dambeysay.

Wixii warar ah ee ku soo kordha wararka ku saabsan doorashada Somaliland kala socda shabakadda wararka ee SilGor.com insha'Allaah.


Add New Comment