HAMBALYO, munaasabadda qalinjebinta Cabdicasiis iyo Shaafici Cabdullaahi M. Xasan


Waxaan halkan uga hambalyeyneynaa walaalaha Cabdicasiis iyo Shaafici Cabdullaahi Maxamed Xasan oo labaduba dhowaan ka qalinjebiyey jaamacad ku taal gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, waxaanna Alle  uga baryeynaa inuu cilmigoodu ka yeelo kii diinta, dalka iyo dadkoodaba anfaca - AAMIIN -

Sidoo kale waxaan u hambalyeyneynaa labadooda waalid Dr. Cabdullaahi Maxamed Xasan iyo marwo Khadiijo Cabdulqaadir Axmed (Khadiijo Naaji) oo dadaal weyn u soo galay sidii ay ubadkooda ugu barbaarin lahaayeen aqoonta iyo akhlaaqda diinta Islaamka iyo weliba cilmiga maadiga ah, waxaanna labadaas waalid ee ku dayashada mudan Allaah uga baryeynaa inuu ka abaal mariyo juhdiga weyn iyo waqtiga ay u hureen carruurtooda.

Axmed Cabdullaahi Maxamed oo ah walaalka ka yar Cabdicasiis iyo Shaafici oo haatanba ku jira waxbarashadiis sare Allaah uga rajeynaynaa inuu la garabgalo dadaalka uu ugu jiro sidii uu kaalintiisa uga soo dhalaali lahaa, sanadaha foodda innagu soo haayana aan markiisa ugu hambalyeyn lahayn - insha'Allaah -

Hoos ka daawo sawirrada Cabdicasiis & Shaafici
Abdiaziz[1].jpg

shafic[1].jpg


Add New Comment