Wasiirrka Daryeelka Naafada :-- waxaan qabaa in Mas'uuliyiinta ugu sareysa Dowladda xilka isaga dagaan mar haddii ku fashilmeen wax ka qabashada xaalada dalka.

Dr, Max'ed Cali Ibraahim oo ah Wasiirrka Daryeellka Naafada iyo Dhaqan Celinta Xukuumada Soomaaliya ayaa isaga oo jooga dalka Yaman waxaa uu walaac ka muujiyay sii jiritaanka Dowladda Soomaaliya iyo in Dowladdu hanato Amaanka guud ahaa dalka Soomaliya gaar ahaan Caasimada Muqdisho.

Wariiska oo la hadllayay Idaacada VOA-da ayaa sheegay in Madaxda ugu sareysa Dowladda Soomaaliya mas'uul ka yihiin wax qabad la'aanta Dowladda, waxaana uu intaa ku darray in waqti badan lagu lumayay muran iyo khilaaf hoosaad u dhaxeeya Madaxda ugu sareysa Dowladda oo xitaa awood waayay ayuu yiri in Tastuurka ku xalistaan farqiga u dhaxeeya.

Dr, Max'ed Cali Ibraahim waxaa uu yiri '' Hadii uu Odayga Reerka Durbaan Garaaco Caruurta waa ay Cayaarayaan'' taasoo uu ula jeeday in Madaxda ugu sareysa Dowladda noqdeen kuwo ku tuntay sharciga islamarkaana iska Idha tiraya xaalada maanta ka taagan Magalada Muqdisho.

Waxaa uu is weydiiyay Dr. Max'ed Cali Ibraahim Wasiirka Daryeelka Naafada iyo Dhaqan Celinta inta ay ka taliso Dowladda Soomaaliya''' Walaahi Rasaasta ay soo ridaan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya gudaha Madaxtooyada ayeey dad ku dhaawacday, sidaa daraadeed waxaa muuqta in Madaxda Dowladdu ku qanacsan yihiin buqcada yar ee hadda gacanta ugu jirta ayuu yiri Dr. Max'ed Cali Ibraahim oo sidoo kale sheegay in uu ku jahwareeray sababta marka ay Ciidamada Dowladdu dhul ka qabsadaan kooxaha ka soo horjeeda haddana dib uga soo laabtaan.

Mar uu ka hadllayay dhinaca Militariga waxaa uu sheegay in Dowladdu leedahay Ciidamo ku filan oo qaarkood sida uu hadalka u dhigay meelo kala duwan lagu soo tababaray, laakiin waxaa uu yiri waxaa jirra qorsho xumo heysata Ciidamada iyo Saraakiisha hogaamisa taasoo ay ka faa'ideysteen ayuu yiri kooxaha ku kacsan Dowladda oo ah ayuu yiri kuwo aan tabar badan laheyn.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Wasiirrka Dareelka Naafada iyo Dhaqan Celinta Xuukuumada Soomaaliya iyo kooxaha Al-shabaab iyo Xisbul Islaam ku guuleysteen in ay ka dhaadhiciyaan wadamada Carabta figrado dhan ka ah Mas'uuliyiinta Dowladda Soomaaliya taasoo keentay ayuu yiri in xitaa ay yaraato taageeradii ay u hayeen Dowladda in badan oo ka mid ah wamada Carbeed.

Waxaa uu shaaca ka qaaday Dr, Max'ed Cali Ibraahim in Dowladdu hashay sida uu hadalka u dhigay Dhaqaalle ku filan kuwaasoo ka soo galay ayuu yiri meelo kala duwan, laakiin waxaa uu intaa raaciyay in dhaqaalahaasi yihiin kuwo ku dhamaada Jeebka shaqsiyaad gaar ah oo siyaabo kale uga faa'ideysta.

'''Runtii waxaan qabaa in meesha isaga tagaan Mas'uuliyiinta ugu sareysa Dowladda Soomaaliya mar haddii ay ku fashilmeen in ay wax ka qabtaan xaaladaha ka jirra gudaha dalka ayuu yiri Dr, Max'ed Cali Ibraahim oo intaa sii raaciyay in aan Qaran lagu noqon karin Madaxtooyada, Degada iyo Garoonka Diyaaradaha oo kaliya.

Dr, Max'ed Cali Ibraahim Wasiirrka Daryeellka Naafada iyo Dhaqan Celinta Dowladda Soomaaliya waxaa uu ka mid ahaa Xubihii ugu fir fircoonaa Midowggii Maxkamadaha, sidoo kale waxaa uu ka tirsanaa Isbaheysigii dib u Xoreynta ee Asmara waxaana lagu tiriyaan in uu yahay shaqsiyaadka sida weyn ugu dhaw Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ay muddo dheer wada shaqeeyeen.

Wasiirku waxaa uu mar sii horeysay ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay Dowladda Soomaaliya inkastoo markii danbe uu arintaa ku laabtay kadib markii Mas'uuliyiinta Dowladdu cadaadis ku saareen in uu dib uga noqdo go'aankiisa la xiriira iscasilaada.



Add New Comment