Dayaarado dagaal oo weeraray degaanka Qandal ee duleedka Kismaayo


Dayaarado dagaal oo aan heybtooda la garaneyn ayaa maanta weerar dhinaca cirka ah ka geystay degaanka Qandal ee duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo sida la sheegay ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidiin.

Waxa lagu soo warramayaa in halkaasi uu khasaare ka dhashay duqeynta dayaaradahaasi ay geysteen, waxaana arrinkaasi xaqeejiyey Sheekh Xasan Yacquub mar uu u warramayey Idaacadda ku hadasha afka Xarakatul Shabaab ee Al-Andulus.

Ma aha markii ugu horreysay oo ay dayaarado shisheeye weeraraan goobo ay gacanta ku hayaan Shabaabka, oo waxa horey u jiray weerar ka dhacay magaalada Marka iyo mid kale oo horey uga dhacay duleedka magaalada Baraawe oo ay ku geeriyoodeen xubno ka tirsanaa xarakadda.


Add New Comment