Madaxweyne Sheekh Shariif oo ra'iisul-wasaare cusub magacaabay


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) u magacaabey inuu noqdo ra'iisul-wasaaraha xukuumadda KMG ee Soomaaliya, kaddib markii uu dhowaantan xilkaasi iska casilay ra'iisul-wasaarihii shacbiyadda weyn ku lahaa gudaha iyo dibedda dalka ee Maxamed C. Maxamed (Farmaajo).

Mas'uulkan la magacaabay ayaa horey xukuumaddii Farmaajo uga ahaa Ku-xigeenka ra'iisul-wasaaraha ahaana wasiirkii qorsheynta, waxaana haatan horyaalla howlo aad u culus oo ay ugu horreyso soo xulashada Golaha Wasiirrada, wax ka qabashada dhibaatooyinka dhinaca ammaanka ee ka jira guud ahaan dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Munaasabadda lagu magacaabayey ra'iisul-wasaaraha cusub ayaa waxa goobjoog ka ahaa Madaxweyne Sheekh Shariif, ra'iisul-wasaarihii hore ee xukuumadda mudane Farmaajo, guddoomiyaha barlamaanka iyo xubno ka kala tirsan labada gole ee dowladda.


Add New Comment