Xisbul Islaam oo ciidamo cusub kusoo bandhigay magaalada Muqdisho


Ururka Xisbul Islaam ayaa maanta kusoo bandhigay Magaalada Muqdisho ciidamo gaaraya 1500 oo uu tababar u soo dhammaaday kuwaasoo la sheegay inay ka shaqeyn doonaan ammaanka guud ee Suuqa weyn ee Bakaaraha oo ay ayaga iyo Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin ay gacanta ku hayaan.

Ciidamadan cusub ee uu Xisbul Islaam soo dhigay gudahaha iyo hareeraha Suuqa ayaa waxa ay xoojinayaan ciidamadii horey Xisbiga halkaasi uga joogay, ayadoo dhanka kalena ay jiraan ciidamo Xarakatul Shabaab ay horey ugu xilsaareen sugidda ammaanka suuqa.

"Ciidamadan waxay qayb weyn ka qaadan doonaan amarro kala duwan oo maamulka Gobolka Banaadir ee Ururka uu soo rogay, sidoo kalena waxay la dagaalami doonaan ciidamada Dowladda iyagoo difaacaya Suuqa Bakaaraha" sidaas waxa yiri taliyaha ciidamada ammaanka ee Ururka Xisbul Islaam Sheekh Ismaaciil Maxamed Kheyr.

Ciidamadan cusub ee uu Xisbul Islaam soo dhigay Suuqa Bakaaraha ayaa waxa ay ku hubeysan yihiin hub fudud, hase ahaatee tiro ahaan aad u fara badan, ayna ka muuqato firfircooni la xiriirta tababarradii ay soo qaateen.

Ciidamada Xisbul Islaam uu soo bandhigay xilligan ayaa waxa ay ku soo beegmeen xilli dhowaan ururku uu lumiyey ciidamo fara badan oo uu ugu kala sugnaa maamullo uu xisbugu ku kala lahaa gobollada Shabeellada Hoose iyo Hiiraan, kaddib markii ay ku biireen Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin.

Add New Comment