Xildhibaannadii dhawaan Isbaheysiga ku sameystay Muqdisho oo magacowday Mas'uuliyiintii hoggaamin lahaa

Xildhibaanadii dhawaan kaga dhawaaqay Magaalada Muqdisho Kudladda ayaa magacaabay guddi hoggaamiya oo uu ku jiro guddoomiyaha, waxaana ay sheegeen inay ka horjeedaan nidaamka ay ku dhisan tahay Dowladda Soomaaliya ee 4.5-ka ah.

Guddoomiyaha Kudladda ayaa waxaa loo magacaabay Xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi oo ka mid ahaa xubnihii u tartamay xilka guddoomiyenimada Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana sidoo kale la magacaabay afar guddoomiye ku xigeennada, xoghaye guud iyo toddoba xubnood oo loogu talogalay horumarinta kudladda.

Kudladdan oo ay ku mideysan yihiin 176-xildhibaan oo baarlamaanka ka tirsan ayaa waxay sheegeen inay tahay mid loogu talogalay toosinta iyo badbaadinta Qaranka, iyadoo mudanayaal kale oo baarlamaanka ka tirsan ay ku tilmaameen inay tahay mid lagu kala qaybinayo xildhibaannada baarlamaanka.

Xildhibaan C/qaadir Nuur Carraale oo ku hadlay afka kudladda markii soo xirmay kulan ay shalay ku yeesheen Muqdisho ayaa sheegay in xubnaha cusub ee ay magacaabeen ay tahay mid ay ugu talogaleen inay sii xoojiso howlahooda oo ay ka mid yihiin in la tirtiro nidaamka 4.5-ka ah ee ay xukuumaddu ku dhisan tahay.

"Waxaan ka horjeednaa in lagu dhaqmo Nidaamka 4.5-ka ee ay dowladdu ku dhisan tahay, lana helo inay sinnaadaan beelaha ay xildhibaannadu ka socdaan" ayuu yiri Mudane C/qaadir Nuur Carraale, isagoo sidoo kale sheegay in howlaha horyaala ay ka mid yihiin inay wadahadal la furayaan xoogagga hubeysan si looga heshiiyo muranka siyaasadeed ee taagan.

Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo horay u ahaa guddoomiye ku xigeenka Baalamaanka ayaa sheegay in kudladdu ay tahay mid loogu talogalay inay nabdada iyo xasiloonida dalka ka shaqeyso, wuxuuna ku tilmaamay xildhibaanada kasoo horjeeda kudladda kuwo dano gaar ah leh.

Add New Comment