Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Ahmed oo maanta la kulmay siyaasiyiinta beelaha Daarood


Madaxweynaha Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Ahmed ayaa maanta xarunta madaxtooyada kulan kula yeeshay qaar ka mid xildhibaannada iyo siyaasiyiinta beelaha Daarood uga jira golayaasha dowladda oo uu ka mid ahaa sii-hayaha xilka ra'iisul wasaaraha Prof. Cabdiwali Gaas.

Kulanka madaxweynaha iyo xubnaha beesha Daarood ayaa ahaa mid lagaga wada tashanayo sidii saamiga ay beeshu ku yeelan doonto xukuumadda soo socota loo qaybsan lahaa iyo cidda qaban doonta jagada ra'iisul wasaaraha ee uu dhowaantan banneeyey ra'iisul wasaare Farmaajo oo qudhiisu ka soo jeeda isla beeshaasi.

Warar aan rasmi ahayn ayaa sheegaya in madaxweyne Shariif iyo siyaasiyiinta beesha Daarood ee ay isla kulmeen ay si wadajir ah isugu afgarteen in xilka ra'iisul wasaaraha si buuxda loogu magacaabo Prof. Cabdiwali Gaas oo uu dhowaan madaxweynuhu u magacaabay inuu sii hayo xilkaasi, kaddib markii uu iscasilay ra'iisul wasaarihii hore ee shacbiyadda weyn ku lahaa ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka reer Muqdisho iyo qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku kala firirsan dunida dacalladeeda.

Dhammaan arrimihii maanta laga wada hadlay ayaa waxa la sugayaa natiijadii kasoo baxday, ayadoona la filayo in maalmaha soo aaddan si rasmi ah uu madaxweyne Sheekh Shariif ugu dhawaaqi doono shaqsiga uu u magacaabi doono xilka ra'iisul wasaaraha dalka Soomaaliya.




Add New Comment