Xisbul Islaam oo mamnuucay xiiridda garka iyo deysashada shaarbaha


Guddoomiyaha Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee Gobolka Banaadir Macallim Xaashi Maxamed Faarax oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay soo saareen amar ragga ku nool goobaha uu ururku gacanta ku hayo aysan xiiri karin garka, shaarbahana deysan karin.

"Wixii maanta ka dambeeya ragga ku nool deegaannada ay Islaamiyiintu ka taliyaan waxaan faraynaa inay ka digtoonaadaan inay garka xiiraan ayna sii daayaan Shaarbaha" ayuu yiri Macallin Xaashi oo intaas ku daray:

"Muddo bil ah ayaan u qabanaynaa amarkan inuu ku dhaqangalo, qofkii jabiya waa la xukumi doonaa si looga abaalmariyo amarka uu jabiyay, waxaana amarkan uu ka mid yahay amarro horay loogu soo rogay dadka Islaamka ah" ayuu yiri Macallin Xaashi.

Macallim Xaashi ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in ururkoodu uu fasaxay dhageysiga idaacadda maxaliga ah ee GBC taasoo ay horey u mamnuuceen in la dhageysto kaddib markii ay mowjad qura kasoo wada galeen GBC iyo idaacadda Bar Kulan.

Fulinta awaamiirtaan ayaa ah kuwo loogaga fadhiyo ragga ku dhaqan goobaha ay ka taliyaan ururrada Islaamiyiinta ah gaar ahaan Ururka Xisbul Islaam oo horey u soo saaray awaamiir fara badan oo kuwan oo kale ah, kuwaasoo dhammaantood la dhihi karo waa ay wada dhaqan galeen, tusaale ahaan xijaabka haweenka, muusikada iyo heeshihii ka bixi jiray raadiyeyaasha iyo kuwo kale oo fara badan.

Add New Comment