Museveni oo ku baaqay in hal sano loogu daro Dowladda KMG ee Soomaaliya

 Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni ayaa ku baaqay in mudo hal sano ah loogu daro Hay’adaha Dastuuriga ee Dowladda KMG Soomaaliya,  iyadoo hadalkaasina uu soo dhaweeyay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Isagoo ka hadlayay shirka maanta Magaalada Kampala ee dalka Uganda uga furmay International Contact Group ee looga hadlayay arimaha Soomaaliya ayaa Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni waxa uu ku baaqay in mudo kordhin hal sano ah loo sameeyo Hay’adaha dowladda KMG Soomaaliya.

Yuweri Musafani oo qudbad ka horjeediyay ka qeyb galayaasha kulankaasi ayaa waxa uu sheegay in xiligaan aan loo baahneyn in doorasho loo qabto dad aan la soo dooran, balse shacabka Soomaaliyeed ay u baahanyihiin in ay nabad helaan, waxaana uu carabka ku dhuftay in loo baahanyahay in laga shaqeeyo nabad ku soo celinta Soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowladda KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isna hadal ka jeediyay kulankii maanta ka dhacay Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa waxa uu soo dhaweeyay hadalka Madaxweynaha Uganada ee ku aadan in mudo kordhin hal sano ah loo sameeyo dowladda KMG si dowladu ay wax  uga qabato amni darida ka jirta Soomaaliya.

Add New Comment