Dagaal culus ayaa ka socdo duleedka magaalada Dhuusa Mareeb



Dagaal xoogan oo u dhaxeeyo Ciidamada Ahlu Sunah Waljamaacah iyo kuwa Xarakada Alshabaab ayaa ka qarxay  maanta duhurnimadii meel  labaataneeyo KM u jirto magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta Gobolka G/gaduud Deegaanka Bulacle oo koofur Bari ka xigta Magaalada Dhuuso Mareeb oo ah halka  labada ciidan ay foodda isku dareen  ayaa laga soo sheegayaa dhimasho labada dhinac ah.

Dad goob joog ahaa ayaa waxa ay soo sheegeen in dagaaladii shalay ka dhacay DhuusaMareeb qasaaraha soo gaaray labada dhinac ee dagaalamaya inta la ogyahay  dhimashado  30-ruux  halka 50-ruux ku dhawaad ay ku dhaawacmeen.

Saraakiisha Labada dhinac ayaa ka gaabsaday in ay ka warbixiyaan dagaalada dib mar kale uga soo dhex cusboonaaday magaaladaasi , iyadoo dhinac walba ay balanqaaday in warbaahinta soo sheegi doonto marka lasoo af jaro dagaalka oo lagu kala badiyo .


Dhulka dagaalada ka socdaan waa dhul  Baadiyo ah,ciidamada dirirayana waxay isticmaalayaan  gaadiid dagaal wixi war kasoo baxana dib waxaad kala xirriiri kartaan www.silgor.com
insha Allaah.

Add New Comment