Ra'iisul wasaarihii Soomaaliya oo is-casilay iyo wasiir xukuumaddiisa ka mid ahaa oo xilka la wareegay


 Ra'iisul wasaarihii xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Famraajo) ayaa iska casilay xilkiisii kaddib cadaadis xooggan oo kaga yimid dowladda Uganda iyo xubno uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Mudane Farmaajo ayaa intii uusan iscasilin wuxuu kulammo saacado ah la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya iyo saraakiil ka socday Uganda iyo AMISOM oo ay ka mid ahaayeen taliyaha guud ee ciidamada Uganda Jen. Aronda Nyakairima iyo taliyaha cusub ee AMISOM Maj. Fredrich Mugisha.

Ra'iisul wasaarihii hore oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu is-casilay isagoo eegaya danaha dalka iyo dadka Soomaailyeed, isagoo xusay inuu jecelaystay inaan tanaasulo oo uu bedelo qaabkii hore ee midi-midi ku taagga ahaa, wuxuuna xusay inuu dalka ku sugnaan doono oo uu la sii shaqeyn doono dowladda, balse ma uusan sheegin howsha uu qabanayo nooceeda.

Sidoo kale, wuxuu mahad ballaaran u jeediyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo shacabkii dibadbaxyada ku taageeray, isagoo xusay inuusan illoobi doonin, isagoo si gaar ah ugu baaqay ciidamada inay howlahooda sii wataan.

Madaxeyne Sheekh Shariif ayaa ka aqbalay iscaislaadda ra'iisul wasaaarihi hore Farmaajo, isagoo si KMG ah xilka ugu magacaabay ra'iisul wasaarenimo ku xigeenkii ahna wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah C/weli Maxamed Cali, wuxuuna si kooban ula hadlay saxaafadda isagoo sheegay inuu aqbalay inuu xilka sii hayo.

"Aad ayaan uga xumahay in Maxamed C/llaahi uu meesha ka baxo, waxaanse ka rajeynayaa inuu nala joogo oo uu nagu biiriyo xifraddiisa, waana aqbalay inaan xilka sii hayo inta laga soo magacaabay ra'iisul wasaare cusub," ayuu ra'iisul wasaaraha KMG ah ee Soomaaliya yiri.

Madaxweynaha Shariif oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in iscasilaadda ra'iisul wasaaraha uu soo dhaweynayo, ayna qayb ka tahay heshiiskii Kampala lagu gaaray, isagoo ugu hambalyeynayo Farmaajo wax-qabadkiisiii, isagoo ka dhawaajiyay inuu ku faraxsan yahay inuu lasii shaqeeyo.

Sheekh Shariif ayaa looga fadhiyaa inuu soo magacaabo muddo laba todobaad ku siman ra'iisul wasaare cusub oo soo dhisa xukuumad bedesha tii Farmaajo.

Ra'iisul wasaaraha iscasilay ayaa toddobaadkii hore shir jaraa'id ku sheegay inuusan iscasilayn inta heshiiskii Kampala ay go'aanno ka gaaro doonaan baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in isaga iyo xukuumaddiisu ay sii shaqeyn doonaan.

Taliyaha ciidamada Uganda, taliyaha AMISOM iyo saraakiil la socday ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay kulammo la lahaa ra'iisul wasaaraha inkastoo uu dhowr jeer oo hore diiday inuu is casilo ayuu haddana maanta si lama filaan ah isku casilay.

Mudane Farmaajo ayaa xilkan loo magacaabay bishii Oktoobar ee sannadkii hore, kaddib markii uu khilaaf soo dhexgalay ra'iisul wasaarihii hore Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke iyo madaxweyne Sheekh Shariif, iyadoo Farmaajo uu soo dhisay xukuuumad ka kooban 18-wasaaradood.

Add New Comment