Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dalka dib ugu soo laabtay


Guddoomiyaha Barlamaanka KMG ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, kaddib markii safar qaatay muddo dhowr maalmood ah ugu maqnaa magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya iyo magaalada Dubai ee waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Sharif Xasan oo faahfaahin ka bixinayey safarradii uu ku soo kala bixiyey Kenya iyo Imaaraadka ayaa sheegay inuu kasoo qayb galay kulamo loogaga hadlayey arrimo ku saabsan ammaanka oo ay kasoo qayb galeen xubno ka tirsan beesha caalamka.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in wafdigiisa iyo xubnihii beesha caalamku isla soo qaadeen sidii Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay u dardar gelin lahayd soo celinta ammaanka Soomaaliya, beesha caalamkuna u taageeri lahayd dowloadda, layskuna afgartay dhammaan qodobadaas.

Shariif Xasan Sheekh Aadan intii uu ku guda jiray safarradiisii Kenya iyo Imaaraadka ayaa waxa uu kulamo la qaatay jaalliyadaha Soomaaliyeed ee ku kala dhaqan labadaasi waddan.

Add New Comment