Muqdisho: Ajaanib lacago lagu qabtay oo xarig 15-sano ah lagu xakumay


Maxkamadda gobolka Banaadir ee dowladda KMG ayaa maanta 15 sano oo xabsi ah iyo ganaaxdhan  15 kun oo dollar ridday saddex nin oo u kala dhashay wadamada Ingriiska iyo Mareykanka, kuwaas oo saarnaa labo diyaaradood oo dhawaaan si sharci darro ah ugu degay garoonka magaalada Muqdisho, oo middood ay sidday lacag  madax-furasho ah oo ku socotay Burcad badeedda Soomaalida.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka, Xaashi Cilmi Nuur, ayaa ku dhawaaqay xukunka raggan, isagoo sidoo kalena sheegay in dowladda ay la wareegeyso lacagihii lagu qabtay iyo labadii diyaaradood ee ay la socdeen.

Waxa si la mid ah ay maxkamadda xukun ku ridday afar ruux oo isugu jiro labo duuliye iyo labo caawiye oo ku lug lahaa dhacdadii lagu qabtay diyaaradaha iyo lacagaha sharci darrada ah ee ay wadeen, waxaana lagu xukumay min 10 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan 10 kun oo dollarka Mareykanka ah.

Dhamaadkii bishii May ayaa waxaa ciidamada ammaanka garoonka Muqdisho ee dowladda KMG ay gacanta ku dhigeen labo diyaaradood oo si sharci darro ah ugu soo dagay garoonka Muqdisho, xilli ay lacago madax-furasho ahan loo siin lahaa burcad badeed ay kula kala wareegayeen halkaasi.


Add New Comment