Dagaal saaka ka dhacay degmada Dharkeenleey ee gobolka Banaadir


Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in saaka aroornimadii uu dagaal culus ka dhacay degmada Dharkeenleey ee gobolka Banaadir, kaddib markii Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ay ciidamada Dowladda KMG halkaasi ku lahaayeen.

Dagaalkan oo socday in muddo ah ayaa waxa laysu adeegsaday dhammaanba noocyada hubka, waxaanaa weli la ogeyn khasaaraha ka dhashay inta uu la eg yahay, walow lagu soo warramayo inay jiraan dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadweynaha iyo bur-bur hantiyeedba.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinacyadii dagaallamay, hase ahaatee waxaa lagu soo warramayaa in dagaalku uu hadda qaboobay.

Degmada Dharkeenleey ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay ka mid tahay degmooyinka sida aadka ah loogu qaxay, oo dad badan oo kasoo barakacay degmooyinka kale ee gobolka hadda u ah hooy ku meelgaar ah.

Add New Comment