Madaxweyne Al-Bashiir iyo Jerry Rawlings oo ka wada hadlay arrimo ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya



BashirRawlings.jpg Ergayga gaarka ah ee Ururka Midowga Afrika (AU) u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya Mr. Jerry Rawlings ayaa magaalada Khartuum ee xarunta dalka Suudaan waxa uu kula kulmay madaxweynaha dalkaasi mudane Cumar Xasan Al-Bashiir oo ay ka wada hadleen xaaladda dalka Soomaaliya iyo sidii Suudaan ay dowr uga qaadan lahayd nabadeynta Soomaaliya.

Kulankaas labada mas'uul kaddib ayaa waxa saxaafadda la hadlay ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya Mr. Jerry Rawlings oo sheegay in uu dowladda Suudaan kala hadlay sidii ay uga qayb qaadan lahayd in nabad kusoo dabaalidda dalka Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay tahay arrin aad loogu baahan yahay.

Dhanka kale madaxweynaha dalka Suudaan mudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay dhibaatada haysata dalka Soomaaliya ee ka dhalatay ammaandarrida, dagaallada iyo abaaraha ku habsaday shacbiga Soomaaliyeed, wuxuuna intaasi ku daray in dalkiisu diyaar u yahay ka qaybqaadashada nabadeynta Soomaaliya.


Add New Comment