200 askari oo dowladda loogu soo tababaray dalka Suudaan oo maanta dalka dib ugu soo laabtay


Ciidamo ay leedahay Dowladda KMG ee Soomaaliya oo tiradooda lagu sheegay 200 oo askari, tababarna kusoo dhammeystay dalka Suudaan ayaa maanta kasoo degay garoonka dayaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa waxa ay qayb ka yihiin ciidamo ay dalalka IGAD u tababarayaan Dowladda KMG Soomaaliya, kuwaasoo qaar kale oo fara badanna horey loogu soo tababaray dalalka Jabuuti, Ethiopia, Uganda iyo Kenya.

Sarkaal u hadlay ciidamada dowladda ayaa sheegay in tirada ciidamada dowladda ee lagu tababarayo waddanka Suudaan ay intaasi ka badan, hase ahaatee ma uusan sheegin tirada rasmiga ah ee ciidamadaasi iyo qaybaha ciidanka ee ay ka kala tirsan yihiin.

Ciidamo aad u tiro badan ay dalka dib loogu soo celiyey bilihii lasoo dhaafay kaddib markii ay tababar mileteri kusoo qaateen dalalka Geeska Afrika ee xubnaha ka aha Urur-goboleedka IGAD, hase ahaatee weli lama hayo wax weyn oo ay ku soo kordhiyeen xaaladda ka jirta waddanka.

Wararka qaarna waxa ayba sheegayaan in ciidamadaasi qaar fara badan oo ka mid ah ay u goostaan dhinaca xoogagga Islaamiyiinta ah ee kasoo horjeeda dowladda, kuwaasoo gacanta ku haya ilaa 10 gobol oo ka mid ah gobollada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa loo tababaray ciidamo badan, kuwaasoo qaarkood u goosteen dhinacyada dowladda kasoo horjeeda kuwaasoo saxaafadda loosoo bandhigay, iyadoo Wasiir u dowlihii Gaashaandhigga Soomaaliya Sheekh Yuusuf Indhacadde uu sheegay in ciidamo badan ay dowladda ka goosteen.


Add New Comment