Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin oo guud ahaan la wareegay gacan ku-heynta magaalada Beledweyne

Ciidamo ka tirsan Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidiin ayaa maanta si buuxda ula wareegay gacan ku heynta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaddib markii ciidamadii Xisbul Islaam ay isaga baxeen goobihii ay magaalada kaga sugnaayeen.

Xarunta gobolka iyo saldhigga boliiska ee Beledweyne ayaa waxa soo degay ciidamada Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin, lamana oga halka ay qabteen ciidamadii Xisbul Islaam ee horey goobahaasi saldhigyada ugu lahaan jiray.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay madaxda labada urur ee gobolka Hiiraan, hase ahaatee waxaa beryihii ugu dambeeyey jiray in maamulladii Xisbul Islaam ee gobolka Hiiraan ay qaarkood ku biireen Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin, ayadoo arrintaasi aan la garaneyn sababta keentay.

Add New Comment