Ra'iisul wasaaraha DKMG ah ee Soomaaliya oo maanta sheegay inuusan xilkiisa iska-casilayn


Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inuusan iska casilayn xilka ra'iisul wasaarenimo ee Soomaaliya inta baarlamaanka uu go'aan ka qaadanayo go'aannadii shirkii Kampala.

"Golaha wasiirrada iyo aniga waxaan ballan ku qaadnay inaan dalka iyo dadka u shaqeyno oo aan danaha shaqsiga ah meel iska dhigno, Illaah baa nagu guuleeyay lixdii bilood ee lasoo dhaafay, taasaana keentay inaan qabano wax la taaban karo, waxayna keentay in ummadda Soomaaliyeed ay yiraahdaan xukuumaddan way shaqeyneysaa, meel kasta oo ay Soomaali joogtana kalsooni ayay na siiyeen," ayuu yiri ra'iisul wasaare Farmaajo.

Sidoo kale, ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in golaha wasiirrada oo dhan ay ku mideysan yihiin in dareenka shacabka Soomaaliyeed la maqlo, isagoo xusay inaysan qorshaha ugu jirin inuu kursiga banneeyo isagoo arkaya dareenka shacabka.

"Xilka ugama tagayo heshiiskii Kampala oo aan weli marin baarlamaanka anigoo arkaya dareenka shacabka Soomaaliyeed iyo rabitaankooda," ayuu hadalkiisa ku daray.

Ra'iisul wasaaruhu wuxuu gaashaanka ku dhuftay in lasoo abaabulay dibadbaxyadii ka dhacayay Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay, isagoo sheegay inaysan ahayn mid shaqsi loogu daneynayo uuna shaqsi soo abaabulay, waxayna dhasheen dhibaatooyinkii ay dadku soo mareen labaatankii sano, kuwaasoo qaarkood weli ay xeryo qoxooti ku jireen.

Mar uu ka hadlay dibadbaxayaal la xirxiray, ayuu sheegay inaysan iyaga siyaasadda ugu jirin in dad dibadbaxyo dhigaya la xirxiro, isagoo sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan arrintaas, wuxuuna xusay inuu yahay ku simaha wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka maadaama la dilay wasiirkii wasaaraddan.

"Xaqiiqdii anigu waan aaminsahay in qofka mas'uulka ah uu tanaasul la yimaado haddii siyaasadda ay is-qaqabsi gasho, maxaa yeelay innagu waxaan howsha u haynaa shacabka Soomaaliyeed, waxaana inta yar ee aad joogto lagaa doonayaa inaad kasoo baxdo howsha aad hayso. Anigu waxba kama qabo inaan meesha ka baxo si xal loo helo, waxaadna ogaataan in heshiiskaas ay saxiixeen madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka," ayuu yiri Farmaajo.

Ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in kaddib markii uu arkay shucuurta shacabka Soomaaliyeed, bannaanbaxyadii dhacayay iyo xildhibaannada oo leh waxaa loo baahan yahay in howsha lasoo hordhigo baarlamaanka ayuu sheegay inuu noqday qofka keliya ee ogolaaday in heshiiskaas la horgeeyo baarlamaanka.

"Xaqiiqdii anigu waxaan eegay dareenka shacabka mas'uuliyad ayaana iga saaran, waayo inagu waxaan ra'iisul wasaare u ahay shacabka Soomaaliyeed," ayuu yiri mudane ra'iisul wasaare.

Su'aal ahayd in dagaalladii ay dowladdu ka wadday Muqdisho ay joogsadeen markii ay khilaafyadoodu billowdeen ayaa wuxuu sheegay inaysan joogsan oo ay billaabi doonaan isagoo hambalyo u diray ciidamada dowladda Soomaaliya.

Hadalka ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli uu Madaxweyne Sheekh Shariif dhawaan sheegay in ra'iisul wasaaruhu uu ku qancay inuu xilka iska casilo, kaddib markii uu u bandhigay in baarlamaanku uusan la shaqeyn karin xukuumadda jirta oo loo baahan yahay in ra'iisul wasaaraha la bedelo.


Add New Comment