Labo qarax oo isku xigtay ayaa xalay ruxday magaalada Nairobi ee dalka Kenya



 qaraxyo  ka dhacay fagaaraha Beerta Xoriyada ee Uhuru Park ayaa  waxaa ku dhintay dad rayid ah oo gaaraaya ilaa 5 ruux, halka ku dhowaad 80 kale ay ku dhaawacmeen.

Qaraxyadaasi  waxay ka dhaceen meel ay isugu yimaadaan Hogaamiyeyaasha Kirishtaanka ayagoo ka mudaaharaadayey Dastuurka cusub ee lagu wado in bisha Agosto loo qaado aftida .
Dastuurka cusub waxa kasoo horjeestay Inta badan kaniisadaha Masiixiga ah, sababtoo ah waxa ku jira Datuurka cusub  qodobbo ka hadlaya in ilmaha uurka hooyada ku jira la iska soo ridi karo iyo maxkamadaha qaadiga ee Muslimiinta.

Ra'iisul Wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga waxa uu sheegay inuu socdo baaritaan ay wadaan Ciidamada Booliska, mana jiraan cid sheegatay inay ka dambeysay qaraxaasi.

Soomaalida ku nool Kenya  markii ay ka war heleen qaraxyadaasi waxay si dareen ku jirta ugu kala dareereen guryahooda, xilligii qaraxa dhacayay oo magaalada bartamaheeda ay ku sugnaayeen.

Add New Comment