Maamulka Xarraka Al Shabaab Al Mujaahidiin ee Gobolka Shabeellada hoose oo hub lagu wareejiyay



 Beel  ka mid ah beelaha daga degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellada hoose ayaa Maamulka Xarrakatul Shabaab Al Mujaahidiin ku wareejiyeen hub kala duwan  oo aan la sheegin tiradiisa iyo nooca uu ka kooban yahayba.

 Shalay oo Sabti aheyd  gallinkiidii dambe waxaa   ka dhacday Degmada Baraawe Munaasabad hubka lagu wareejiyay , waxaa munaasabadaasi hadallo kala duwan ka jeediyay waxgarad matalayay beesha Jiiddo oo hubka wareejisay iyo Mas'uuliyiinta Gobolka ee Al shabaab.

Waaliga Gobolka Shabeellada hoose ee Xarrakatul Shabaab oo hadal kooban ka jeediyay xafladda ay hubka kula wareegeen waxa uu sheegay inay kaga mahadcelinayaan beesha hubka soo wareejisay ayna beelaha ugu baaqayaan inay ku daydaan beeshaasi sida ay u garab-taagan yihiin Diinta Islaamka, hubka ay soo wareejiyeen waa mid lagu difaacayo diinta Islaamka .


Waxgarad ka tirsan beesha Jiiddo oo iyaguna ka hadlay Xafladda ayaa sheegay in hubka ay ku wareejiyeen Xarrakatul Shabaab uu yahay mid ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan Xarrakada.

Hubka ayaan la sheegin noociisa iyo cadadkiisa, waxaase uu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ay Maamulka Xarrakatul Shabaab ee Gobolka Shabeellada hoose lagu wareejiyo, iyadoo Xarrakadu ay gacanta ku hayso inta badan Gobollada Koonfureed ee Soomaaliya.

Add New Comment